𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐊𝐇𝐀𝐘𝐑𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐄𝐄 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐒𝐔’𝐀𝐀𝐋𝐎 𝐖𝐀𝐘𝐃𝐈𝐈𝐍 𝐀𝐇 𝐋𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐁𝐀𝐓𝐑𝐎𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐌𝐀𝐂𝐃𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐅𝐒.

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee ku qeexan Dastuurka Dalka, ayaa maanta xafiiskooda ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradda.

Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Senator Saynab Ismaaciil Maxamed, ayaa diiradda lagu saaray turxaan-bixinta, fasiraadda iyo ka jawaabista su’aalo dheeraad ah oo xubnaha Guddigu ka qabeen qaar ka mid ah qodobbada ku xusan Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Macdanta Soomaaliyeed.

Intii uu kulanku socday, Wasiirka iyo masuuliyiinta Wasaaradda ayaa si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii iyo qodobadii ay xubnaha Guddigu soo bandhigeen, iyadoo dhinacyadu ay si qoto dheer uga doodeen una falanqeeyeen qodobbada muhiimka ah ee Hindise-sharciyeedka.

Dood iyo is-dhaafsi aragtiyeed kaddib, waxaa la isku waafaqay faham iyo fasiraad ku saabsan qodobbadii u baahnaa in la sii caddeeyo nuxurkooda, iyadoo kulanku qayb ka ahaa dadaallada howlaha Guddigu adkaynayo in Hindise-sharciyeedku noqdo mid si wanaagsan loo turxaan bixiyay, isla markaana waafaqsan danta guud ee Qaranka iyo horumarinta hannaanka sharci-dejinta dalka.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐎𝐎 𝐔 𝐇𝐀𝐌𝐁𝐀𝐋𝐘𝐄𝐄𝐘𝐄𝐘 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐄𝐄 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐒𝐇𝐀𝐂𝐀𝐁𝐊𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024