Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehelinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga Sideedaad, Kulankiisa Labaad, oo ajandihiisu ahaa:
Akhrinta Koowaad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka-beddelka Qaybta Lixaad ee Sharciga Iibka Qaranka.
Ugu horrayn, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, oo marti ku ahaa kulanka maanta, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare hor geeyay Akhrinta Koowaad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka-beddelka Qaybta Lixaad ee Sharciga Iibka Qaranka, isagoo faahfaahin ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu sharcigani soo maray iyo faa’iidooyinka uu dalka iyo hannaanka maamulka maaliyadda qaranka u leeyahay.
Intaas kadib, Guddoomiye Cabdi oo Wasiirka uga mahadceliyay faahfaahinta iyo sharraxaadda uu Sanatarrada ka siiyay muhiimadda hindise-sharciyeedkan iyo qodobbada kala duwan ee ku xusan Sharciga, ayaa faray Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare inay la wareegaan hindise-sharciyeedkan, isla markaana ay si qoto dheer uga soo shaqeeyaan, si ay Aqalka ugu soo gudbiyaan warbixin iyo talooyin ku saabsan qodobbada uu ka kooban yahay.