𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐒𝐎𝐑𝐊𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐗𝐔𝐐𝐔𝐔𝐐𝐔𝐋 𝐈𝐍𝐒𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐎𝐎 𝐁𝐈𝐋𝐋𝐀𝐀𝐁𝐀𝐘 𝐃𝐈𝐘𝐀𝐀𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐆𝐀 𝐁𝐔𝐑-𝐂𝐀𝐃 𝐁𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐊𝐀- 𝐇𝐎𝐑𝐓𝐀𝐆𝐆𝐀 𝐀𝐅𝐃𝐔𝐔𝐁𝐊𝐀.

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, kaas oo diiradda lagu saaray diyaarinta akhrinta labaad ee Hindise-sharciyeedka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka.

Kulanka oo ay shir guddoomisay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Naciima Gadhwayne, ayaa waxaa ka qeyb galay xubnaha Guddiga, sharciyaqaannada Golaha iyo khubaro sharciyeed oo ka socday Somlaw oo cilmi-baadhis sharciyeed ku soo sameeyay sharcigan, ayaa bandhig u sameeyey xubnaha guddiga si ay uga helaan aragtiyo wax ka taraya turxaan bixinta sharciga.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Guddigu ugu jiro diyaarinta iyo horumarinta Hindise-sharciyeedka, si loo hubiyo in uu waafaqsan yahay baahiyaha dalka iyo heerarka sharciyeed ee caalamiga ah.

Previous 𝐒𝐀𝐍𝐀𝐓𝐀𝐑𝐑𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐖𝐀𝐀𝐃 𝐌𝐀𝐑𝐒𝐈𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐖𝐀𝐗-𝐊𝐀-𝐁𝐄𝐃𝐃𝐄𝐋𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐘𝐁𝐓𝐀 𝐋𝐈𝐗𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐆𝐀 𝐈𝐈𝐁𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.