Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ayaa maanta xafiiskooda ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Maxamed Xaashi Carrabey iyo xubno kale oo la socday.
Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamadii hore ee lagu turxaan-bixinayay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Macdanta Soomaaliyeed, iyadoo diiradda lagu saaray qodobbada guud, eray-bixinta, wax-ka-beddellada iyo waafaqsanaanta Dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Kulanka waxaa shir-guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga, Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed, waxaana ka qeybgalay xubnaha Guddiga iyo sharciyaqaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliy.