Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Aqalka Sare ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, si ay ugu kuurgalaan hannaanka shaqo iyo doorka Golaha ee nidaaminta mihnadda caafimaadka dalka.
Kormeerkan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, Senatar Dr. Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle), ayaa diiradda lagu saaray dhowrista tayada adeegyada caafimaadka, ku-dhaqanka shuruucda mihnadda caafimaadka, tayada dawooyinka, badqabka adeegyada isbitaallada, iyo habraacyada lagu hubiyo aqoonta iyo kartida xirfadlayaasha caafimaadka dalka.
Intii uu kormeerku socday, xubnaha Guddigu waxay maamulka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka ka dhageysteen warbixin ku saabsan hannaanka shaqadooda, waajibaadka iyo doorka ay ku leeyihiin nidaaminta mihnadda caafimaadka, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah waajibaadka Guddiga ee la-xisaabtanka, dabagalka iyo korjoogtaynta hay’adaha caafimaadka, iyadoo ujeeddadu tahay dardargelinta dhowrista tayada iyo shuruucda caafimaadka dalka, si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeeg caafimaad oo hufan, tayo leh oo ammaan ah.