𝐒𝐀𝐍𝐀𝐓𝐀𝐑𝐑𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃 𝐌𝐀𝐑𝐒𝐈𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐆𝐀 𝐋𝐀-𝐃𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐋𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐁𝐔𝐑-𝐂𝐀𝐃 𝐁𝐀𝐃𝐃𝐄𝐄𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐊𝐀- 𝐇𝐎𝐑𝐓𝐀𝐆𝐆𝐀 𝐀𝐅𝐃𝐔𝐔𝐁𝐊𝐀 .

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa maanta shir-guddoomiyey Kalfadhiga 8-aad, Kulankiisa 3-aad, kaas oo ajandihiisu ahaa Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka.

Ugu horreyn, Senator Saciid Cabdi Xuseen (Cawke), oo ka tirsan Guddiga Garsoorka, ayaa Golaha la wadaagay warbixinta Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka, isagoo si faahfaahsan u dul istaagay qodobadii iyo farqadihii lagu sameeyey wax-ka-beddelka, toosinta, sixidda iyo habaynta.

Kaddib, Senatorrada Aqalka Sare ayaa si rasmi ah u guda galay ka-doodista Hindise Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka, iyagoo soo jeediyay aragtiyo, talooyin iyo wax-ka-beddello la xiriira sidii sharciga loo sixi lahaa, loona waafajin lahaa baahiyaha iyo duruufaha jira, si loo xoojiyo la-dagaallanka burcad-badeedda iyo ka-hortagga afduubka.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐃𝐄𝐄𝐆𝐆𝐀 𝐁𝐔𝐋𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐎𝐎 𝐊𝐎𝐑𝐌𝐄𝐄𝐑 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 𝐔𝐆𝐔 𝐓𝐄𝐆𝐀𝐘 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐌𝐈𝐃𝐍𝐀𝐃𝐋𝐀𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀, 𝐒𝐈 𝐀𝐘 𝐔𝐆𝐔 𝐊𝐔𝐔𝐑𝐆𝐀𝐋𝐀𝐀𝐍 𝐀𝐃𝐄𝐄𝐆𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀. All posts

Leave Your Comment