𝐒𝐀𝐍𝐀𝐓𝐀𝐑𝐑𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃 𝐌𝐀𝐑𝐒𝐈𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐆𝐀 𝐋𝐀-𝐃𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐋𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐁𝐔𝐑-𝐂𝐀𝐃 𝐁𝐀𝐃𝐃𝐄𝐄𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐊𝐀- 𝐇𝐎𝐑𝐓𝐀𝐆𝐆𝐀 𝐀𝐅𝐃𝐔𝐔𝐁𝐊𝐀 .

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa maanta shir-guddoomiyey Kalfadhiga 8-aad, Kulankiisa 3-aad, kaas oo ajandihiisu ahaa Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka.

Ugu horreyn, Senator Saciid Cabdi Xuseen (Cawke), oo ka tirsan Guddiga Garsoorka, ayaa Golaha la wadaagay warbixinta Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka, isagoo si faahfaahsan u dul istaagay qodobadii iyo farqadihii lagu sameeyey wax-ka-beddelka, toosinta, sixidda iyo habaynta.

Kaddib, Senatorrada Aqalka Sare ayaa si rasmi ah u guda galay ka-doodista Hindise Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka, iyagoo soo jeediyay aragtiyo, talooyin iyo wax-ka-beddello la xiriira sidii sharciga loo sixi lahaa, loona waafajin lahaa baahiyaha iyo duruufaha jira, si loo xoojiyo la-dagaallanka burcad-badeedda iyo ka-hortagga afduubka.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐃𝐄𝐄𝐆𝐆𝐀 𝐁𝐔𝐋𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐎𝐎 𝐊𝐎𝐑𝐌𝐄𝐄𝐑 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 𝐔𝐆𝐔 𝐓𝐄𝐆𝐀𝐘 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐌𝐈𝐃𝐍𝐀𝐃𝐋𝐀𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀, 𝐒𝐈 𝐀𝐘 𝐔𝐆𝐔 𝐊𝐔𝐔𝐑𝐆𝐀𝐋𝐀𝐀𝐍 𝐀𝐃𝐄𝐄𝐆𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.