Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 8-aad, Kulankiisa 7-aad oo ajandihiisu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Xeereedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga.
Ugu horreyn, Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), ayaa Golaha la wadaagay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Xeereedkaka Dhismaha Hay’adda Dakhliga, isaga oo dul istaagay wax-ka-beddellada, sixitaannada iyo hagaajinta lagu sameeyay, kaddib markii uu Guddigu si qoto dheer uga baaraandegay nuxurka iyo qodobbada sharciga.
Intaas kaddib, Senatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si faahfaahsan uga dooday Hindise Xeereedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga, iyaga oo soo jeediyay aragtiyo, talooyin iyo wax-ka-beddello kala duwan oo la xiriira qaab-dhismeedka iyo qodobbada qaar ee uu hindise-xeereedku ka kooban yahay.
Doodaha iyo talooyinka Sanatarrada waxay diiradda ku saareen sidii xeerkan u noqon lahaa xeer hufan, dhammaystiran oo waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka, isla markaana xoojinaya nidaamka maaliyadeed iyo maamulka dakhliga Qaranka.
Gebagebadii, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo kulanka soo xiray, ayaa bogaadiyay doodaha iyo aragtiyaha wax-ku-oolka ah ee ay Sanatarradu ka dhiibteen Hindise xeereedka, isla markaana wuxuu Guddiga Maaliyadda kula dardaarmay in talooyinka, aragtiyada iyo soo-jeedimaha ay Sanatarradu soo gudbiyeen si mas’uuliyad leh loogu daro dib-u-habaynta iyo qaabaynta sharciga, si marka uu gaaro akhrinta saddexaad u noqdo xeer dhammaystiran oo ka tarjumaya danta guud ee Qaranka.