Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Ferhat Alkan.
Kulanka oo ahaa mid isbarasho iyo soo dhoweyn ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal ee walaalaha ah.
Intii uu kulanku socday, Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa si qoto dheer uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay adkaynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyaga oo isla eegay fursadaha lagu dardargelin karo wada-shaqeynta iyo is-weydaarsiga khibradaha.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka fulisay, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya horumarka iyo dib-u-dhiska dalka. Waxa uu sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii ballaarinta taageeradaas iyo xoojinta iskaashiga ku dhisan danaha wadajirka ah ee labada shacab.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay sii adkaynta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriir ku dhisan saaxiibtinimo, is-ixtiraam iyo danaha wadaagga ah ee labada dal.