𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐒𝐎𝐎𝐑𝐊𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐆𝐔𝐃𝐀-𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐈𝐒𝐊𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐒𝐎𝐎𝐑𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐋𝐀𝐌𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐇

Guddiga Garsoorka, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisii 4-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS).

Kulanka oo ay shir-guddoomisay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Naima Hassan Gadhweyne, ayna ka soo qaybgaleen xubnaha Guddiga, ayaa diiradda lagu saaray dulmar guud iyo falanqayn ku saabsan Hindise xeereedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.

Sidoo kale, xubnaha Guddiga iyo sharciyaqaannada Golaha ayaa qodob-qodob u eegay qodobbada uu ka kooban yahay hindise xeereedka, iyaga oo si faahfaahsan uga dooday nuxurkiisa, isla markaana sameeyay sixid, turxaan-bixin iyo soo jeedinno wax-ka-beddel ah.
Previous 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐍𝐒𝐈𝐗𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄-𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐈𝐒𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐒𝐀𝐀𝐃𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐀𝐃𝐀, 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐖𝐀𝐀𝐃𝐍𝐀 𝐌𝐀𝐑𝐒𝐈𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐋𝐀𝐁𝐀 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄-𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃 𝐎𝐎 𝐊𝐀𝐋𝐄. All posts

Leave Your Comment