Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir-guddoomiyay kulanka 10-aad ee kalfadhiga 8-aad ee Golaha Aqalka Sare, kaas oo ajandihiisu ahaa:
Ajandaha kulanka ayaa ahaa:
1. Akhrinta Saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada.
2. Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka.
3. Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maaraynta Deegaanka.
Ansixinta Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada
Ugu horreyn, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada, kaddib markii Xoghayaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Sanatar Samsam Daahir Maxamuud, ay Golaha la wadaagtay warbixinta akhrinta saddexaad ee hindise-sharciyeedka, isla markaana ay ka codsatay Sanatarrada in ay meel mariyaan.
Cod loo qaaday hindise-sharciyeedka ayaa waxaa oggolaaday 27 Sanatar, mana jirin cid diidday ama ka aamustay.
Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise-Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka.
Wasiirka ayaa sheegay in hindise-sharciyeedkani saldhig u yahay hirgelinta sharciyo kale oo muhiim u ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira iskaashiga garsoorka caalamiga ah. Waxa uu xusay in sharcigani fududayn doono iskaashiga dalalka ee la-dagaallanka dambiyada caalamiga ah, is-weydaarsiga maxaabiista iyo isu-dhiibidda eedeysanayaasha ama dambiilayaasha, iyadoo la raacayo habraacyada sharci ee khuseeya.
Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maaraynta Deegaanka
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare ka hor jeediyay akhrinta koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maaraynta Deegaanka.
Wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeeddooyinka iyo muhiimadda hindise-sharciyeedkan, isaga oo carrabka ku adkeeyay doorka ay hay’addu ku yeelan doonto ilaalinta deegaanka, hirgelinta iyo dhowrista xeerarka dalka ee la xiriira deegaanka, iyo sugidda badqabka deegaanka.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dhismaha hay’addani yahay masuuliyad qaran oo muhiim u ah ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, ka hortagga waxyeellada deegaanka iyo xaqiijinta in horumarka dhaqaale ee dalka uu ku socdo hannaan waafaqsan ilaalinta deegaanka iyo waaritaanka khayraadka dabiiciga ah.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa u mahadceliyay Senatorrada kulanka soo xaadiray, isla markaana ku boorriyay in shuruucda laga hor akhriyay Golaha ay Guddiyada ku shaqada leh uga shaqeeyaan si waafaqsan Dastuurka Dalka iyo Xeerhoosaadka Aqalka Sare.