Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta shir-guddoomiyey Kalfadhiga 8-aad, Kulankiisa 9-aad, kaas oo ajandihiisu ahaa Akhrinta Labaad ee Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada.
Kulanka oo ku furmay kooram dhan 28 senator, ayaa waxaa ugu horreyn warbixin ka jeedisay Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Senator Saynab Ismaaciil Maxamed. Waxay senatorradu la wadaagtay Fadhiga warbixinta Akhrinta Labaad ee Hindise-Xeereedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada, iyadoo faahfaahin ka bixisay wax-ka-beddellada, sixitaannada iyo toosinta lagu sameeyey hindise-xeereedka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddigu waxay sharraxaad ka bixisay hannaanka dib-u-eegista iyo la-tashiyada uu Guddigu sameeyey muddadii uu gacanta ku hayey hindise-xeereedka, si loo hubiyo dhammaystirkiisa iyo waafaqsanaantiisa baahiyaha dalka.
Warbixinta Guddiga kaddib, senatorrada Aqalka Sare ayaa guda galay doodda Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada, iyagoo soo bandhigay aragtiyo, talooyin iyo soo-jeedinno la xiriira hagaajinta, sixitaanka iyo dhammaystirka qodobbada hindise-xeereedka.
Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Axmed Cali, oo kulanka goobjoog ka ahaa, ayaa ka jawaabay su’aalo ay senatorrada qaarkood ka weydiiyeen hindise-sharciyeedka.
Hindise-xeereedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada ayaa muhiim u ah horumarinta nidaamka saadaasha hawada ee Soomaaliya, kor u qaadista tayada xogta cimilada iyo xoojinta awoodda dalka ee ka faa’iidaysiga xogaha saadaasha hawada, si Dowladdu awood ugu hesho horumarka iyo badbaadada bulshada Soomaaliya.