𝐌𝐔𝐍𝐀𝐀𝐒𝐀𝐁𝐀𝐃 𝐁𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀𝐑𝐀𝐍 𝐎𝐎 𝐋𝐀𝐆𝐔 𝐒𝐎𝐎 𝐁𝐀𝐍𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐁𝐔𝐔𝐆𝐆𝐀 𝐇𝐀𝐘𝐁𝐒𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐐𝐀𝐍𝐊𝐀𝐀𝐆𝐀 𝐎𝐎 𝐔𝐔 𝐐𝐎𝐑𝐀𝐘 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈.

Munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay buugga 𝗛𝗮𝘆𝗯𝘀𝗼 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 oo uu qoray Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa lagu qabtay masraxa Shariif Saalax ee Jaamacadda Umadd Soomaaliyeed.

Buugga 𝗛𝗮𝘆𝗯𝘀𝗼 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 waxa uu xambaarsan yahay muhiimad gaar ah, isaga oo si qoto dheer uga hadlaya ilaalinta, kobcinta iyo horumarinta Af-Soomaaliga, dhaqanka, hiddaha iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxa uu si gaar ah bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, ugu dhiirrigelinayaa inay garwaaqsadaan qiimaha iyo doorka uu afkooda iyo dhaqankoodu ku leeyihiin jiritaanka iyo aqoonsiga ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo munaasabadda khudbad ka jeediyay, ayaa si qoto dheer uga hadlay sababihii ku dhiirrigeliyay qorista buuggan, isaga ku dheeraaday xusuuso iyo dhacdooyin kala duwan ee uu soo maray intii uu ku jiray safarkiisa nololeed iyo siyaasadeed.

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale jeediyay talooyin wax-ku-ool ah oo ku wajahan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, isaga oo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in jiilalka cusub ay bartaan, ilaashadaan, kuna faanaan afkooda, dhaqankooda, taariikhdooda iyo hiddahooda suugaaneed.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Mudane Faarax Cabdulqaadir, oo si qoto dheer uga hadlay xiriirka dhow ee ka dhexeeya dhaqanka iyo waxbarashada, isaga oo xusay in dhaqanku yahay tiir muhiim u ah dhismaha aqoonta, shakhsiyadda iyo aqoonsiga bulshada, isla markaana ballan qaaday in manhajka ardada Soomaaliyeed wax looga dari doonno nuxurka buuggan xambaarsan yahay.

Bandhigga buugga 𝗛𝗮𝘆𝗯𝘀𝗼 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴, ayaa kusoo beegmaya xilli ay muhiimad gaar ah leedahay dib-u-xoojinta doorka Af-Soomaaliga, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, si loo dhowro dhaxalka Qaran loona hubiyo in jiilalka dambe ay helaan aqoonsigooda, afkooda iyo taariikhdooda.

Previous 𝐗𝐔𝐁𝐍𝐎 𝐊𝐀 𝐓𝐈𝐑𝐒𝐀𝐍 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐐𝐀𝐘𝐁𝐀-𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐒𝐇𝐈𝐑𝐖𝐄𝐘𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐌𝐈𝐃𝐎𝐖𝐆𝐀 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐍𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐀𝐃𝐃𝐔𝐔𝐍𝐊𝐀 𝐎𝐎 𝐒𝐈 𝐑𝐀𝐒𝐌𝐈 𝐀𝐇 𝐔𝐆𝐀 𝐅𝐔𝐑𝐌𝐀𝐘 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐓𝐀𝐍𝐙𝐀𝐍𝐈𝐀 All posts

Leave Your Comment