𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐈𝐈𝐒𝐀 𝐊𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐋𝐀𝐘 𝐃𝐀𝐍𝐉𝐈𝐑𝐀𝐇𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐄𝐄 𝐌𝐈𝐃𝐎𝐖𝐆𝐀 𝐘𝐔𝐑𝐔𝐁 ( 𝐄𝐔) 𝐔 𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐘𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Mudane László Eduárd Máthé, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Kulanka oo ahaa mid isbarasho iyo soo dhoweyn ah, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan taageerada Midowga Yurub ee horumarinta kaabayaasha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Danjiraha cusub ayaa xaqiijiyay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu Soomaaliya ka siiyo mashaariicda horumarineed ee Dowlad Gobaleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya taas oo lagu xoojinayo dadaallada horumarineed ee dalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo horumarinta howlaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gunaanadkii kulanka, Guddoomiyaha iyo Danjiraha waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyo sii wadidda wada-shaqeynta ku aaddan horumarka dalka.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐈𝐒𝐆𝐀𝐀𝐑𝐒𝐈𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐒𝐔’𝐀𝐀𝐋𝐎 𝐃𝐇𝐄𝐄𝐑𝐀𝐀𝐃 𝐀𝐇 𝐈𝐘𝐎 𝐓𝐔𝐑𝐗𝐀𝐀𝐍-𝐁𝐈𝐗𝐈𝐍 𝐊𝐀 𝐖𝐄𝐘𝐃𝐈𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐌𝐍𝐈𝐆𝐀 𝐒𝐀𝐘𝐁𝐀𝐑𝐊𝐀. All posts

Leave Your Comment