Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka iyo Caddaaladda ee Aqalka Sare, Sanatar Naima Hassan Gadhwayne, iyo Xoghayaha Guddiga Amniga, Sanatar Maxaamed Cismaan Majiino, ayaa ka qaybgalay shirka Guddiga Hagidda Mashruuca Maamul-wanaagga iyo Isla-xisaabtanka, Amniga iyo Caddaaladda SJGAP-EU.
Shirka ayaa lagu qiimeeyay waxqabadka mashruuca iyo natiijooyinka la gaaray, waxaana diiradda lagu saaray mudnaanta hawlaha soo socda iyo xoojinta maamul-wanaagga iyo isla-xisaabtanka hay’adaha amniga iyo caddaaladda.
qaybgalka Guddiyada Garsoorka iyo Amniga ee Aqalka Sare ee shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta, maamul-wanaagga iyo isla-xisaabtanka hay’adaha amniga iyo caddaaladda.