π—πˆπ‹πƒπ‡πˆππ€π€πππ€πƒπ€ 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 ππ€π€π‘π‹π€πŒπ€π€ππŠπ€ π…π„πƒπ„π‘π€π€π‹πŠπ€ π’πŽπŽπŒπ€π€π‹πˆπ˜π€ 𝐎𝐎 π€πŠπ‡π‘πˆππ“π€ πŠπŽπŽπ–π€π€πƒ πŒπ€π‘π’πˆπˆπ˜π€π˜ π—π„π„π‘πŠπ€ πŒπˆπˆπ’π€π€ππˆπ˜π€πƒπƒπ€ πŸπŸŽπŸπŸ•-πŠπ€.

Guddoomiye Ku xigeenka Labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa shir guddoomiyay kulanka labaad ee kalfadhiga 8-aad ee kulanka wadajirka ah labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa akhrinta koowaad ee Xeerka Miisaaniyadda 2027-ka, iyadoo awasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Mudane Biixi iimaan cige uu Xildhibaannada labada Gole si faahfaahsan uga warbixiyay xeerka Qoondaga Miisaaniyadda 2027-ka oo dhan 𝟏,πŸπŸ“πŸ—,πŸπŸ‘πŸ–,πŸπŸ“πŸ‘.

Intaas kaddib, Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa Wasiirka su’aalo ka weydiiyay mabaadi’da guud iyo qodobbada kala duwan ee Xeerka Qoondada Miisaaniyadda Qaranka ee 2027-ka, waxaana Wasiirka Maaliyadda uu dhankiisa ka jawaabay su’aalihii ay mudanayaashu ka weydiiyeen Miisaaniyadda Qaranka, isaga oo faahfaahin ka bixiyay qodobbada ay Sanatarrada iyo Xildhibaannadu wax ka weydiiyeen.

Previous 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 π†πŽπ‹π„ 𝐄𝐄 ππ€π€π‘π‹π€πŒπ€π€ππŠπ€ 𝐎𝐎 π€πŠπ‡π‘πˆππ“π€ πŠπŽπŽπ–π€π€πƒ πŒπ€π‘π’πˆπˆπ˜π€π˜ π—πˆπ’π€π€π π—πˆπ‘πŠπ€ πŒπˆπˆπ’π€π€ππˆπ˜π€πƒπƒπ€ πŸπŸŽπŸπŸ“. All posts

Leave Your Comment