SANATARRADA GOLAHA AQALKA SARE OO MEEL-MARIYAY HINDISE SHARCIYEEDKA HAY’ADDA MAARAYNTA DEEGAANKA.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir-guddoomiyey kulanka 12-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Aqalka Sare, kaas oo ajandihiisu ahaa:

1. Akhrinta 3-aad ee Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka.
2. Akhrinta 2-aad ee Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliyeed iyo Akhrinta 2-aad ee Hindise-sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.

Ugu horrayn, Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Aqalka Sare, Senator Saynab Ismaaciil Maxamed, ayaa Senatarrada la wadaagtay warbixinta Akhrinta 3-aad ee Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka, iyadoo dul istaagtay qodobbada sharciga ee wax-ka-beddelka lagu sameeyey iyo sida ay u waafajiyeen aragtiyihii ay Senatarradu ka dhiibteen Akhrintii 2-aad ee sharcigan.

Intaas ka dib, waxaa la guda-galay ansixinta Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka, iyadoo dhammaan Senatarradii kulanka maanta soo xaadiray ay si wadajir ah oo aan cidina ka aamusin ama diidin ku ansixiyeen sharcigaas. Sidaas ayuu sharcigaasi ku ansaxay.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Xuseen Cali Xaaji, ayaa Senatarrada Aqalka Sare uga mahadceliyey ansixinta sharciga Dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka, isagoo faahfaahiyey muhiimadda sharcigaas iyo waxyaabaha uu ka hortegayo.

Sidoo kale, Senatarrada Aqalka Sare ayaa Akhrinta 2-aad marsiiyey Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliyeed iyo Hindise-sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, iyadoo warbixinnada Akhrin 2aad ay la wadaagay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Senator Ibraahim Awgaab Cismaan, iyo Senator Saciid Cabdi Xuseen Cawke oo xubin ka ah Guddiga Garsoorka Aqalka Sare. Intaas ka dib, qaar ka mid ah Senatarrada ayaa ka dhiibtay aragtidooda ku saabsan qaabaynta iyo turxaan-bixinta sharciyada.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, Mudane Xasan Macallin, iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee XFS, Mudane Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa Senatarrada Aqalka Sare uga jawaabay su’aalo ay ka weydiiyeen Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliyeed iyo Hindise-sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, kuwaas oo maanta Goluhu marsiiyey Akhrinta 2-aad.
[4:31 PM, 11/2/2026] Mohamed Salad. caaqil: Senatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay sharciga Dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka, ayaa dhinaca kale akhrinta labaad marsiiyeen hindise sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliyeed iyo hindise sharxiyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.

Previous 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐊𝐀 𝐃𝐎𝐎𝐃𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐗-𝐊𝐀-𝐁𝐄𝐃𝐃𝐄𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐆𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐆𝐈𝐆𝐀 𝐃𝐇𝐄𝐗𝐄 𝐈𝐘𝐎 𝐒𝐇𝐑𝐀𝐂𝐈𝐆𝐀 𝐃𝐇𝐈𝐒𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐑𝐄𝐘𝐍𝐓𝐀 𝐃𝐄𝐄𝐆𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 All posts

Leave Your Comment