Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) ,Kulakii 11aad ee Kalfadhiga 6aad

Muqdisho:- 05.11.2019

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 11aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.
Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa:
1.Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Wax-ka-badalka Xeerka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.
2. Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Furdooyinka.

Hindise-Sharciyeedkaan oo ay soo diyaarisay Waasarada Maaliyadda ayaa waxaa ay akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Waasarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyedyadaan, Guddiga Dhaqaalaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.

Previous Kulankii 10aad ee Kalfadhiga 6aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.