Gudoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha iyo Maalyadda ee Aqalka sare oo kulan  kuyeeshay magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Gudoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha iyo Maalyadda ee Aqalka sare Abdi Axmed Dhuxulow, Xubno ka tirsan Aqalka Sare iyo Wasiirada Maalyadda ee Dowlad Goboleedyada iyo sharci yaqaano ayaa ka qeyb galay kulan  ka qabsoomay magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Ujeedada kulanka ayaa ku saabsanaa
Dhageysiga talooyinka Dowlad Goboleedyada ee  Sharciyada kala ah Sharciga Maareenta  Maalyadda,Sharciga Hanti Dhorka Guud ee Qaranka, Sharciga Iibka Qaranka ,Sharciga Canshuuraha  Furdooyinka iyo .

Xubanaha ka socda maamul goboleedyada ayaa inta uu kulankan socdo talooyin iyo fikrado ku darsan doona sharciyadan oo ka dib dib loogu celin doono golaha aqalka sare si ay u meelmariyaan.

Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha iyo Maaliyadda Aqalka Sare Cabdi Axmed dhuxulow ayaa ugu horey Ka hadlay ujeedada kulankan iyo ahmiyadda uu u leeyahay  maamul goboleedyada,wuxuuna xusay in uu ahmiyad gaar ah uu leeyahay kulankan Garowe ku dhexmaray.
Wasiirka Maalyadda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa u mahad celiyay Guddiga maalyadda Aqalka Sare wuxuuna sheegay Inay taageerayaan   In la helo  wax Soomaali oo dhan dan u ah.

Sharciyadda Maareenta  Maalyadda,Sharciga Hanti Dhorka Guud ee Qaranka ,Sharciga Iibka Qaranka , iyo Sharciga Canshuuraha  Furdooyinka   ayaa horey loo marsiiyay Golaha shacabka iyo golaha Wasiirada waxaana la filayaa  in kadib marka lasoo dhameeyo wadatashigan lala yeelano dowlad goboleedyada In dib loogu soo celiyo golaha aqalka sare si ay u meel mariyaan kadibna ay ugu dambeyn ugu gudbiyaan madaxweynaha Soomaaliya oo isna saxiixi doono si ay ansax u noqdaan sharciyadan.