Shirka Ka-tashiga Hindise -Sharciyadeedka Shirkadaha Dalka oo u dhaxeeya Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaliya

Shir ku sabsanaa Ka-tashiga Hindise -Sharciyadeedka Shirkadaha Dalka oo u dhaxeeya Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaliya Ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Garoowe ee Xurunta Dowlad Goboleedka Puntland.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha X.F.Soomaaliya Wasiiradda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaliya Qaar ka mid ah Xil-dhibaanada Dowlad Goboleedyada iyo Xubna kale.

Ujeedada kulan Ayaa Ahaa Dhageysiga Talooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah  Dowladda Federaalka Soomaliya  ee ku aadan Hidise Sharciyadeedka Shirkadaha kaa oo Horyaala Golaha Aqalka  Sare.

Gabagabada Shirka Wada-tashiga ee u dhaxeeyay Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaliya, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha X.F.Soomaaliya, Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Ayaa Waxaa ka soo baxay War-murtiyadeed.