Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.Ajendaha ;Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa Kulankii 29aad ee Kalfadhiga 6aad ku yeeshay xarunta Aqalka Sare ayada oo uu shir Guddominaayo Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.Sidoo kale waxaa soo xadiray Guddomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxmed Axmad iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Ajendaha Kulanka:
1. Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Guddomiyaha Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arrimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senatar Axmad Macalin Cumar ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.

Waxaa laguda galay dooda ku a’adan Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareey oo ay wehliyaan howl-wadeeno ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare.

Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedkani. Waxaa Ogaalada 23 Senatar,Waxaa diiday 3 Senatar, Waxaa ka aamusay 1 Senatar.

Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS.

  

 

Previous Kulankii 28aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare BFS, Ajandaha;Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.