𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐇𝐎𝐑 𝐘𝐈𝐌𝐈𝐃 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄, 𝐒𝐈 𝐒𝐔’𝐀𝐀𝐋𝐎 𝐋𝐎𝐎𝐆𝐀 𝐖𝐀𝐘𝐃𝐈𝐈𝐘𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐀𝐃𝐀 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐇𝐎𝐎𝐒-𝐘𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃𝐀.

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐇𝐎𝐑 𝐘𝐈𝐌𝐈𝐃 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄, 𝐒𝐈 𝐒𝐔’𝐀𝐀𝐋𝐎 𝐋𝐎𝐎𝐆𝐀 𝐖𝐀𝐘𝐃𝐈𝐈𝐘𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐀𝐃𝐀 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐇𝐎𝐎𝐒-𝐘𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃𝐀.

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan braahim oo uu weheliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 5-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa dhagaysiga war-bixinta iyo waydiimo furan oo ku saabsan wasaaradda arrimaha Gudaha qaar kamid ah hay’addaha hoos yimaada oo kala ah: Hay’adda maareynta Musiibooyinka, Hay’adda Diwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadwayaha & hay’adda Qaxootiga Qaranka .

intaas ka dib Sanatarada Golaha Aqalka Sare, ayaa su’aallo ka waydiiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) qorshaha Wasaaradda uga diyaarsan Arrimaha dib u heshiista dalka iyo colaadaha sokeeyey ee ka soo cusboonaaday deegaano ka mid ah dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo qorshaha nabadaynta iyo xasilinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha khawaarijta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf, ayaa sidoo kale mudanayaashu waydiiyeen qaabka u dhici doonaan dooarashooyinka Dowladaha xubnaha ka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku bisha Agoosto ee soo socota.
Dhinaca kale, Senatarradu waxay su’aalo kala duwan waydiiyeen Guddoomiyaha hey’adda SODMA qaabka ay u maareeyaan gargaarka loogu talagalay dadka ku nool deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta, kuwii ay saameeyeen Fatahaadaha, iyo abaarihii ka dhacay Dalka.

Maareeyaha Hey’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha ayey Sanataradu waydiiyeen qorshaha uga degsan sidii lagu gaadhsiin lahaa kaadhka aqooonsiga qaranka, dhammaan dadwaynaha ku dhaqan deegannada dowlad gobaleedyada Dalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo madaxda Hay’adaha hoos yimaada Wasaaradda ayaa ka jawaabay dhammman waydiin odhaahyadii maanta.

Waxayna Sanatarada Aqalka Sare ayaa soo jeediyey in dib u eegis lagu sameeyo magaca Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka
Ugu dambayntii, Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ahna ku simaha Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ayaa kulanka soo xiray, isagoo u mahadceliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo madaxdii kale ee la socotay.
Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐓𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐔𝐃𝐃𝐄𝐄𝐘𝐄𝐘 𝐀𝐉𝐀𝐍𝐃𝐀𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐇𝐎𝐑𝐓𝐀𝐁𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐔 𝐋𝐄𝐇 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 .

Leave Your Comment

 

Degmada Shibis, Km0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

City News & Updates

The latest Egovt news, articles, and resources, sent straight to your inbox every month.#5E8DCA

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya © 2024. Xaquuqaha dhan way dhowranyihiin