Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed

Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 38aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.Kulanka Waxaa ku-wehliyey Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Seentar Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.
Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa:
 
1. Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
 
Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Senatar Deqa Xasan Xuseen ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta aad ee Hindise-sharciyeedkaan.
 
Intaa kadib ayaa laguda galay Su’alo weeydiinta Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS ee Akhrinta 2aad ee Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
 
Sdioo kale Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay wehliyaan Wasiiru Doowlaha iyo howl-wadeeno ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare .waxaa haatan socdo jawaabaha Su’aalaha la weeydiiyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee ku adaan Hindise- Sharciyeedkan Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
 
Intaa kadib ayaa loo balamay in lasoo laabto mudo kooban kadib si loo guda galo akhrinta 3aad Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
Previous Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa Akhrinta 2aad iyo Akhrinta 3aad marsiiyey Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka.

Leave Your Comment

 

Degmada Shibis, Km0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

City News & Updates

The latest Egovt news, articles, and resources, sent straight to your inbox every month.#5E8DCA

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya © 2024. Xaquuqaha dhan way dhowranyihiin