Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa Akhrinta 2aad iyo Akhrinta 3aad marsiiyey Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 36aad iyo 37aad ee Kalfadhiga 6aad ayadoo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay kaalinayeen Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad Sentar Mowliid Xuseen Guhaad . Ajendaha ayaa ahaa: Akhrinta 2aad iyo 3aad ee Hindise-sharciyeedka Duulista Rayidka.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaarada gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Salaad Oomar iyo Masuuliyiin la socday.

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa Akhrinta 2aad iyo Akhrinta 3aad marsiiyey Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka. Ugu dambeyntii, Golaha Aqalka Sare ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Duulista Rayidka. waxaana Ogolaatay 29 Senator mana jirin cid diiday ama ka aamustay.