Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyayHindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyayHindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka, ayada oo uu Ajendahu ahaa

1)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.

2)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Guddomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare-BFS Senatar Mohamed Osman Farah ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka

Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Wasaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaaal Maxamed Cusman iyo Xubno kale oo kasocda Wasaarada.

Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedkani. Waxaa soo xaadiray 32 Senatar .
Waxaa Ogaalada 31 Senatar,Wax diiday majirin , Waxaa ka aamusaymajirin.

Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS.

   ;