GUDDIGA ARRIMAHA GUDAHA OO KULAN ISLA-XISAABTAN AH LA QAATAY HAY’ADDA AQOONSIGA IYO DIIWAANGELINTA QARANKA

Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Golaha Aqalka Sare ayaa maanta xafiiskooda kulan kula qaatay Masuuliyiinta Hay’adda Diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadwaynaha.

Guddiga oo gudanaya waajibaadka ka saaran kor-joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa masuuliyiinta hay’adda ka dhagaystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan diiwaan gelinta dadwaynaha, qaabka ay u fuliyaan arrimaha diiwaan gelinta, habka kaydinta iyo xifdinta xogta Muwaadinka iyo waydiimo oraaheedyo ku saabsan shaqada guddigu u hayo ummadda.

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Mudane Cabdiweli Timacadde iyo xubnaha kale ee la socday ayaa mid mid uga jawaabay dhammaan waydiin oraaheedyadii ay waydiiyeen xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare Baarlamanka JFS.

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha Aqalka Sare Sanatar Deeqa Xasan Xuseen oo kulanka shir guddoominaysay ayaa Guddiga uga mahad celisay sida hufan ee ay uga jawaabeen su’aalihii guddigu iyo warbixintii la xiriirtay shaqadooda ee ay siiyeen, waxaana la isku raacay wada shaqeyn joogto ah iyo kor-joogtayn, isla-xisaabtan daahfuran; si loo dardar geliyo shaqada dadwaynaha Soomaaliyeed.