Kulakii 17aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,ajendaha Kulanka

Muqdisho :- 30.11.2019

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 17aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.
Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa:
1.Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.
2.Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda Guud.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta
iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.

Intaa ka dib ayaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay wehliyaan Wasiiru Doowlaha iyo howl-wadeeno hor yimid Golaha Aqalka Sare.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow “Dhagdheer” ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka shirkadaha.

Golaha Aqalka sare aya ansixiye Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.Waxaa Ogaalada 27 Waxaa ka aamusay 1 senatar ,mana jiro wax diiday.

Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS.

 

Previous Kulanka 3aad ee kalfadhiga 6aad ee labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Leave Your Comment

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya © 2024