Kulankii 15 aad ee kalfadhiga 6aad ,ajendahu ayaa ahaa Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka shirkadaha..

Muqdisho:-24,Nofeembar 2019
Golaha Aqalka Sare ayaa yeeshay Kulankii 15 aad ee kalfadhiga 6aad waxaana uu ka dhacay Xarunta Aqalka Sare BFS ayadoo uu shir Guddoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi. Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.
 
Ajendaha Kulanka ayaa ahaa: Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka shirkadaha.
 
Guddiga Dhaqaalaha Aqalka Sare ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.Intaa ka dib ayaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay wehliyaan Wasiiru Doowlaha iyo howl-wadeeno hor yimid Golaha Aqalka Sare .
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa laweeydiiyay Su’aalo ku adaan Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka shirkadaha,Waana uu ka jaawabay sualaha ay weeydiyeen Senatarada. Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS.