Kulankii 4-aad ee Kalfadhiga 6aad ee wadajir ah oo ay shir Gudoominayeen Gudoomiyayaasha labadda Goaha ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka soomaaliya kaas oo ka dhacay xarunta Villa Hargeeysa ee Golaha Shacabka.
Guddomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Siraaji ayaa Labada Gole ka hor akhriyay warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Miisaniyadda Qaranka 2020.
Wasiirka wasarada Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hor yimid Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayada oo laweeydiiyay Su’aalo ku adaan Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Miisaniyadda Qaranka 2020 ,inta kadib ayuu Wasiirka Maaliyadda ka jaawabay sua’alihi ay weeydiyeen Senatarada iyo Xildhibaanada.