π†π”πƒπƒπˆπ†π€ π€π‘π‘πˆπŒπ€π‡π€ 𝐆𝐔𝐃𝐀𝐇𝐀 π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 πŠπŽπ‘πŒπ„π„π‘ π’π‡π€ππŽ πŠπ” π“π€π†π€π˜ π‡π€π˜’𝐀𝐃𝐃𝐀 πŒπ€π€π‘π„π˜ππ“π€ πŒπ€π’πˆπˆππŽπŽπ˜πˆππŠπ€ (π’πŽπƒπŒπ€).

uddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta, Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA). Kormeerka waxaa hoggaaminaysay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Deeqa Xasan Xuseen, waxaana ujeeddadiisu ahayd u kuurgalka diyaar-garowga roobabka mahiigaanka ah ee la filayo inay dalka ka curtaan dhawaan.

Xubnaha Guddigu waxay masuuliyiinta Hay’adda SoDMA ka dhageysteen warbixin ku saabsan u diyaar-garowga iyo ka jawaabidda xaaladaha ka dhasha saameynta El NiΓ±o, gaar ahaan roobabka culus iyo fatahaadaha laga cabsi qabo.

Dhanka kale, Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA ayaa ka jawaabay su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare, kuwaas oo ku saabsanaa hannaanka diyaar-garowga, ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, qorshayaasha gurmadka, taageeridda bulshooyinka nugul iyo wada-shaqeynta Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada isku-duwidda gargaarka iyo caafimaadka.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare, Senator Deeqa Xasan Xuseen, ayaa tilmaantay muhiimadda ay leedahay u diyaar-garowga khataraha roobabka la filan karo iyo ka jawaabista xaaladaha bani’aadannimo ee u baahan gurmadka. Waxay sidoo kale uga mahadcelisay masuuliyiinta Hay’adda dadaalkooda ku aaddan u diyaar-garowga iyo ka jawaabidda xaaladaha ka dhasha saameynta El NiΓ±o.

Previous π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 π€ππ’πˆπ—πˆπ˜π€π˜ π‡πˆππƒπˆπ’π„-π—π„π„π‘π„π„πƒπŠπ€ πƒπ‡πˆπ’πˆπƒπƒπ€ π‡π€π˜’𝐀𝐃𝐃𝐀 πƒπ€πŠπ†π‹πˆπ†π€ 𝐈𝐘𝐎 𝐋𝐀𝐁𝐀 π—π”πππŽπŽπƒ 𝐎𝐎 πŠπ€ πŒπˆπƒ ππŽππŽππ€π˜π€ π†π”πƒπƒπˆπ†π€ πŒπ€πƒπ€π—π€-𝐁𝐀𝐍𝐍𝐀𝐍 𝐄𝐄 πƒπ€π’π“π”π”π‘πŠπ€. All posts

Leave Your Comment