π—πŽπ†π‡π€π˜π€π‡π€ 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐄𝐄 π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 πŠπ€ ππ€π˜π-π†π€π‹π€π˜ π’π‡πˆπ‘πŠπ€ πŸ•-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 π—πŽπ†π‡π€π˜π„π˜π€π€π’π‡π€ 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐄𝐄 ππ€π€π‘π‹π€πŒπ€π€πππ€πƒπ€ π€π…π‘πˆπŠπ€

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa ka qayb galay Shirka 7-aad ee Sannadlaha ah ee Ururka Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaannada Afrika, kaas oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Midrand ee Koonfur Afrika, xarunta Baarlamaanka Pan-Afrika.

Shirka oo diiradda lagu saarayo casriyeynta hay’adaha Baarlamaannada, ayaa sanadkan halkudhiggiisu yahay β€œXoojinta Tallaabada Baarlamaannada ee Hirgelinta Wax-ku-oolka ah ee Heshiisyada Midowga Afrika iyo Mudnaanta Ajendaha 2063.” Shirka oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfeeynayaa sidii Xoghayeyaasha Baarlamaannadu u casriyeyn lahaayeen habraacyadooda shaqo, ugana jawaabi lahaayeen baahiyaha isbeddelaya ee hay’adaha iyo hoggaamintooda.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Baarlamaanka Pan-Afrika, Mudane Dr. Fateh Boutbig, isagoo khudbaddiisa furitaanka ku sheegay in maamullada baarlamaannadu ay laf-dhabar u yihiin joogteynta iyo wax-ku-oolnimada hay’adaha dimoqraadiyadeed. Waxa uu xusay in iskaashiga baarlamaannadu uu si weyn ugu tiirsan yahay xiriirrada hay’adeed ee isku xira Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaannada.

Ka-qaybgalka Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee madashan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka, iskaashiga iyo is-dhaafsiga khibradaha u dhexeeya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha sharci-dejinta ee qaaradda Afrika, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo casriyeynta maamulka baarlamaanka

Previous π†π”πƒπƒπˆπ†π€ π€π‘π‘πˆπŒπ€π‡π€ 𝐆𝐔𝐃𝐀𝐇𝐀 π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 πŠπŽπ‘πŒπ„π„π‘ π’π‡π€ππŽ πŠπ” π“π€π†π€π˜ π‡π€π˜’𝐀𝐃𝐃𝐀 πŒπ€π€π‘π„π˜ππ“π€ πŒπ€π’πˆπˆππŽπŽπ˜πˆππŠπ€ (π’πŽπƒπŒπ€).

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriiraΒ  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Β© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.