Shirka 7-aad ee Ururka Xoghayayaasha Baarlamaannada Afrika oo muddo laba maalmood ah ka socday xarunta Baarlamaanka Pan-Afrika ee magaalada Midrand, ayaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay.
Shirka muddada labada maalmood ah ee uu socday waxaa diiradda lagu saaray casriyeynta maamulka iyo shaqada Baarlamaannada Afrika, adeegsiga Garaadka Macmalka ah (AI), iyo hoggaaminta isbeddelka dhijitaalka ah, iyadoo ka-qaybgalayaashu ay so qoto dheer isula falanqeeyeen sida AI loogaga faa’iideysan karo fududeynta helitaanka xogta, diyaarinta iyo cilmi-baarista sharciyada, iyo dardargelinta howlaha Baarlamaannada, iyadoo sidoo kale xoogga la saaray ilaalinta xogta, amniga, anshaxa iyo xirfadaha shaqaalaha.
Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, oo khudbad ka jeediyay shirka, ayaa xusay muhiimadda tiknoolajiyada casriga ah iyo sida AI u fududeyn karto howlaha Baarlamaanka iyo habaynta xogta. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ilaalinta xogaha iyo ka hortagga khataraha ka dhalan kara adeegsiga tiknoolajiyada.
Ugu dambeyn, Xoghayuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay xoojinta wada-shaqeynta Baarlamaannada Afrika iyo doorka ASGAP ee isku-xirka, is-dhaafsiga khibradaha, tababarrada iyo horumarinta xirfadaha hay’adaha Baarlamaannada Afrika.