Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga Dimuqraadiga Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Dr. Maxamed Caliim.
Kulanka oo mid isbarasho ahaa ayay Guddoomiyaha iyo danjiruhu adkeeyeen xoojinta iyo horumarinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Aljeeriya, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee ku dhisan taariikh, walaaltinimo iyo danaha wadaagga ah ee labada dhinac.
Danjiraha Aljeeriya ayaa sheegay in dowladda dalkiisa ay ka go’an tahay dib-u-dhaqaajinta iyo xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan in Safaaradda Jamhuuriyadda Aljeeriya ee Soomaaliya ay si buuxda uga shaqeyso adkaynta iyo soo celinta xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada dowladood.
Gunaanadkii kulanka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Danjiraha Aljeeriya ayaa isla qaatay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeeya “Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Ummadda ee Jamhuuriyadda Aljeeriya”, iyagoo isla qaatay muhiimadda ay leedahay in labada gole ay yeeshaan xiriir joogto ah oo ku saleysan iskaashi baarlamaan, khibrad-is-weydaarsi, iyo wadaagista aqoonta iyo waayo-aragnimada dhinacyada kala duwan ee howlaha baarlamaannada.