𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐊𝐎𝐑𝐌𝐄𝐄𝐑 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 𝐊𝐔 𝐓𝐀𝐆𝐀𝐘 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐑𝐄𝐘𝐍𝐓𝐀 𝐌𝐀𝐒𝐈𝐈𝐁𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 (𝐒𝐎𝐃𝐌𝐀).

uddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta, Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA). Kormeerka waxaa hoggaaminaysay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Deeqa Xasan Xuseen, waxaana ujeeddadiisu ahayd u kuurgalka diyaar-garowga roobabka mahiigaanka ah ee la filayo inay dalka ka curtaan dhawaan.

Xubnaha Guddigu waxay masuuliyiinta Hay’adda SoDMA ka dhageysteen warbixin ku saabsan u diyaar-garowga iyo ka jawaabidda xaaladaha ka dhasha saameynta El Niño, gaar ahaan roobabka culus iyo fatahaadaha laga cabsi qabo.

Dhanka kale, Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA ayaa ka jawaabay su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare, kuwaas oo ku saabsanaa hannaanka diyaar-garowga, ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, qorshayaasha gurmadka, taageeridda bulshooyinka nugul iyo wada-shaqeynta Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada isku-duwidda gargaarka iyo caafimaadka.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare, Senator Deeqa Xasan Xuseen, ayaa tilmaantay muhiimadda ay leedahay u diyaar-garowga khataraha roobabka la filan karo iyo ka jawaabista xaaladaha bani’aadannimo ee u baahan gurmadka. Waxay sidoo kale uga mahadcelisay masuuliyiinta Hay’adda dadaalkooda ku aaddan u diyaar-garowga iyo ka jawaabidda xaaladaha ka dhasha saameynta El Niño.

Previous 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐍𝐒𝐈𝐗𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄-𝐗𝐄𝐄𝐑𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐈𝐒𝐈𝐃𝐃𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐃𝐀𝐊𝐆𝐋𝐈𝐆𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐋𝐀𝐁𝐀 𝐗𝐔𝐁𝐍𝐎𝐎𝐃 𝐎𝐎 𝐊𝐀 𝐌𝐈𝐃 𝐍𝐎𝐐𝐎𝐍𝐀𝐘𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐌𝐀𝐃𝐀𝐗𝐀-𝐁𝐀𝐍𝐍𝐀𝐍 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.