𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 ππ€π€π‘π‹π€πŒπ€π€ππŠπ€ 𝐎𝐎 𝐆𝐔𝐃𝐀 π†π€π‹π€π˜ πƒπŽπŽπƒπƒπ€ 𝐖𝐀𝐗-πŠπ€-ππ„πƒπ„π‹πŠπ€ πƒπ€π’π“π”π”π‘πŠπ€ πŠπŒπ†.

Muqdisho, Febraayo 14, 2024: Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay weheliyaan ku xigeennada labada Aqal ayaa ka qayb galay kulanka wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ahaa.

(A) Dib-u-eegista dastuurka KMG marxalada 2-aad.

(B) Ka doodista soo jeedimaha wax-kabadalka Dastuurka. CUTUBKA 1-aad: Baaga Jamhuuriyaddaβ€’ QODOBKA laad ilaa 9-aad.

Xildhibaannada Baarlamaanka labada Aqal ayaa ka dooday in wax ka bedel lagu sameeyo qodobada qaar, waxayna sidoo kale Xildhibaannadu kaΒ  doodeen oo ay aragti kala duwan ka dhiibteen maqaamka Caasimadda Muqdisho, nidaamka Awood qaybsiga dalka iyo wax ka bedelka nidaamka 4.5-ta, Ilaalinta dhulka, hawada iyo Badda Soomaaliyeed, Xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed, Saraynta Sharciga, ku dhaqanka Diinta Islaamka. Luqadda rasmiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jinsiyada Muwaadinka iyo kan aan Muwaadinka aheyn.

Fadhiga Golaha maanta oo waqtiga salaadda duhur ka dib lagu laabtay,Β  ayaa lagu marti qaaday Ururada Bulshada Reyidka oo matalaya Bulshada qaybaheeda kala fuwan, kuwaas oo dhageysanaya doodda Xildhibaannada iyo talo soo jeedinta Qodobada qaar ee u baahan wax ka bedelka Dastuurka KMG ah.