π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 π€ππ’πˆπ—πˆπ˜π„π˜ π‡πˆππƒπˆπ’π„-π’π‡π€π‘π‚πˆπ˜π„π„πƒπŠπ€ π‡π€π˜’𝐀𝐃𝐃𝐀 π—πˆπ’π€π€ππˆπ˜π„π˜π€π€π’π‡π€ π’πŽπŽπŒπ€π€π‹πˆπ˜π„π„πƒ.

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan braahim oo uu weheliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 6-aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo ajandihiisu ahaa:

1. Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.
2. Qaybinta Nuqulka Wax-Ka-Beddelka Xeer-Hoosaadka Golaha.

Ugu horrayn, waxaa la gudagalay ansixinta Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed ka dib markii gudddigii ka soo shaqeeyay ay ay Golaha ka horjeediyeen warbixinta akhrinta saddexaad iyo sida ay isu waafajiyeen aragtida Sanatarrada iyo hindisesharciyeedka, waxaana intaas ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixyey sanatarada, mana jirin wax diiday ama ka aamusay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare, uga mahadceliyey sida howl karnimada ah ee erey-bixinta iyo toosintaba ugu sameeyeen hindise sharciyeedka hay’adda xisaabiyeyaasha soomaaliyeed Guddigii ka soo shaqeeyay, dhanka kalena wasiirka ayaa u mahadnaqay shir-guddoonka Aqalka sare iyo dhammaan sanatarada Golaha oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.

Intaas ka dib waxaa la fasaxay wasiirka iyo xubnihii la socday, iyadoo la gudagalay ajandaha labaad oo ahaa qaybinta nuqulka wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare, waxaana war-bixinta nuqulka ka hor akhriyey guddoomiyaha guddiga xeer-hoosaad Aqalka Sare, Sanatar Cabdiwali Maxamed ibraaahin (Xaabsade).

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa ajandaha ku daray war-bixin looga dhagaysanayey Sanatar Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle, oo aheyd wacyi-galinta cudurka cagaarshowga oo halis ba’an ku haya bulshada Soomaaliyeed, isla markaana boorriyay in dadwaynuhu qaataan tallaalka cudurkaas.

Ugu dambayntii, Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ahna ku-simaha Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ayaa kulanka soo xiray.

Previous π†π”πƒπƒπˆπ†π€ π‰πŽπŽπ†π“π€πƒπ€ π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 πŠπ”π‹π€π 𝐃𝐀𝐆𝐃𝐀𝐆 π˜π„π„π’π‡π€π˜ πŒπ€π€ππ“π€.

Leave Your Comment

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka SoomaaliyaΒ© 2024