𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐄𝐄𝐋𝐌𝐀𝐑𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐆𝐀 𝐇𝐎𝐖𝐋-𝐆𝐀𝐁𝐊𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐋𝐈𝐈𝐋𝐓𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐀𝐀𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐑𝐀𝐘𝐈𝐃𝐊𝐀 𝐄𝐄 𝐃𝐎𝐖𝐋𝐀𝐃𝐃𝐀

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdullaahi Cali Xersi {Timacadde, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiis 7-aad oo ajandihiisu ahaa:

1-Akhrinta Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowalda.

Ugu horrayn, Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada Aqalka Sare Senator Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) ayaa Sanatarrada la wadaagay xogta akhrinta saddexaad ee sharciga, waxaana la guda galay ansixinta sharciga, ka dibna waxaa loo qaaday sharciga codka kalsooni siinta, iyadoo codka kalsoonida siiyay 28 Sanatar, waxaa diiday labo Sanatar senator wax ka aamusayna ma jirin.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Yusuf Maxamed Aadan, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare uga mahad celiyay waajib ka gudshada iyo meel-marinta sharciga Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowalda kaas oo xaqiijinaya xaquuqda shaqaalaha hawl-gabka ah ee muddada badan u soo adeegayay Qaranka Soomaaliyeed.

Previous AQALKA SARE OO ANSIXIYEY SHARCIGA QAXOOTIGA IYO MAGAN-GALYO DOONKA.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.