AQALKA SARE OO ANSIXIYEY SHARCIGA QAXOOTIGA IYO MAGAN-GALYO DOONKA.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐒𝐡𝐚𝐜𝐛𝐚𝐚𝐧 𝐈𝐛𝐫𝐚𝐚𝐡𝐢𝐦 ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiis 6-aad oo ajandihiisu ahaa:

1-Akhrinta Seddexaad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka
2-Akhrinta labaad hindise-sharciyeedka Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowalda.

Ugu horrayn, waxaa la guda galay ansixinta sharciga Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka kaddib markii Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Gudaha Senator deeqa Xasan Xuseen iyo xubnaha kale ee Guddigu ka soo shaqeeyeen sharciga, waxayna Sanatarrada la wadaagtay xogta akhrinta saddexaad iyo sida ay isu waafajiyeen aragtida Sanatarrada, waxaana codka kalsoonida siiyay 28 Sanatar wax diiday ma jirin wax ka aamusna ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, ayaa Sanatarrada Aqalka sare uga mahad celiyay waajib ka gudshada iyo meelmarinta sharciga Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo xuquuq iyo muhiimad gaar ah siinaya Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka Dalkeenna jooga.

Intaas kaddib, Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada Aqalka Sare Senator Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) ayaa Sanatarrada la wadaagay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowaladda, oo ay Sanatarradu aragtidooda ka dhiibteen.

      
Previous AQALKA SARE OO AKHRINTA LABAAD MARSIIYEY SHARCIGA QAXOOTIGA IYO MAGAN-GALYO DOONKA.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.