AQALKA SARE OO AKHRINTA LABAAD MARSIIYEY SHARCIGA QAXOOTIGA IYO MAGAN-GALYO DOONKA.

AQALKA SARE OO AKHRINTA LABAAD MARSIIYEY SHARCIGA QAXOOTIGA IYO MAGAN-GALYO DOONKA.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiisa 5-aad ee Golaha Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Guddiga Arimaha Gudaha Aqalka Sare ee BJFS, Senator Deeqa Xasan Xuseen ayaa Sanatarrada la wadaagtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo ay toosin, sixid iyo siiqayn ay ku sameeyeen qodobada qaar ee sharciga.

Intaas kaddib, Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo doodiisa la guda galay ayay Sanatarradu ka dhiibteen aragtidooda iyo doodaha ay ka qabeen qaar ka mid ah qodobada sharciga oo ay ka hor jeediyeen Golaha.

   

Previous Warbixita Golaha ee Kalfadhiga 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka 11aad

Leave Your Comment

 

Degmada Shibis, Km0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

City News & Updates

The latest Egovt news, articles, and resources, sent straight to your inbox every month.#5E8DCA

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya © 2024. Xaquuqaha dhan way dhowranyihiin