𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐎𝐎 𝐖𝐀𝐋𝐈 𝐊𝐔 𝐆𝐔𝐃𝐀 𝐉𝐈𝐑𝐀 𝐃𝐎𝐎𝐃𝐃𝐀 𝐂𝐔𝐓𝐔𝐁𝐊𝐀 𝟒-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay weheliyaan ku xigeennada Labada Aqal ayaa shir guddoomiyay kulanka 25-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa sii wadista ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah madaxa koowaad mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan doorashooyinka Dalka.

Doodda cutubka afaraad gaar ahaan madaxyada koowaad iyo labaad oo la gudo galay maalintoodii labaad, ayaa qaar ka mid ah Sanatarrada iyo Xildhibaannadu si la mid ah Mudanayaashii kulankii hore waxa ay doodo adag iyo su’aalo geliyeen qodobbada maanta la horkeenay ka doodistooda, halka kuwo kalana ay ay ku bogaadiyeen guddiyada Dastuurka sida ay u soo qaabeeyeen dastuurka iyo faqradaha cusub oo ay soo ku soo kordhiyeen.