𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐓𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐋𝐀𝐆𝐔 𝐃𝐀𝐑𝐃𝐀𝐑 𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍𝐀𝐘𝐎 𝐇𝐎𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄

Ku simaha Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa shir guddoomiyay kulanka lixaad ee kalfadhga 4-aad ee Guddiga Joogtada joogtada Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka oo ahaa dhagaysiga warbixinta guddoonka Aqalka Sare, ayaa sidoo kale looga hadlay ka baaraan degista iyo dardar gelinta arrimaha hortebinta u leh Golaha, sida dhammaystirka Dastuurka, kor-joogtaynta, isla xisaabtanka iyo xoojinta wada shaqaynta Aqalka Sare iyo Dowlad Goboleedyada dalka.