𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐎𝐎 𝐆𝐔𝐃𝐀 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐃𝐎𝐎𝐃𝐃𝐀 𝐂𝐔𝐓𝐔𝐁𝐊𝐀 𝟒-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay weheliyaan ku xigeennada Labada Aqal ayaa shir guddoomiyay kulanka 24-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ayaa guda galay ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah oo ka hadlaya matalaadda shacabka.

Cutubkan oo u qaybsan afar madax ayaa maanta waxaa ka doodistooda la furay madaxa koowaad ee mabaadii’da guud ee mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan doorashooyinka, iyadoo Sanatarrada iyo Xildhibaannada ay soo jeediyeen aragti wax ku ool ah oo ku saabsan qodobada 48-aad illaa 53-aad ee cutubka Afaraad madaxyadiisa koowaad iyo labaad

Doodda Cutubka afaraad oo sii socon doonta maalmaha soo socda ayaa waxaa isku diiwaan geliyay in ka badan boqol Mudane, taas oo muujinaysa muhiimadda cutubkaan uu leeyahay, iyadoo Guddida La-Socodka Dastuurkana ay diiwaan geliyeen dhammaan hadal qoraallada Sanatarrada iyo Xildhibaannada ka aragti dhiibtay qodobbada maanta.