𝐃𝐎𝐎𝐃𝐃𝐀 𝐂𝐔𝐓𝐔𝐁𝐊𝐀 𝟑-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀 𝐎𝐎 𝐋𝐀 𝐒𝐎𝐎 𝐆𝐄𝐁𝐀𝐆𝐄𝐁𝐄𝐄𝐘𝐀𝐘.

 Guddoomiye ku xigeenka labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi {Timacadde} oo uu weheliyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo ku xigeennadiisa ayaa shir guddoomiyay kulanka 22-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Kulanka maanta oo dhammaystir u ahaa ka doodista dooddista iyo dhagaysiga soo jeedimada wax ka beddelka qodobada 42-aad illaa 47-aad ee cutubka saddexaad ee Datuurka KMG ah. ayay Sanatarrada iyo Xildhibaannada kulankii hore isku diiwaan geliyay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan qodobada ka hadlaya dhulka, hantida iyo deegaanka ee cutubka 3-aad ee Dastuurka.

Ka doodista qodobbada 42-aad illaa 47-aad ee cutubka saddexaad ee Datuurka KMG ah oo qaadatay muddo labo maalin ah ayaa waxaa ka aragti dhiibtay in ka badan 32 Mudane oo isugu jira Sanatarro iyo Xildhibaanno, waxaana ka doodista cutubka afaraad oo ah kan ugu danbeeya afartii cutub ee ay soo diyaariyeen Guddiyada Dastuurka lagu ballamay fadhiga wadajirka ah ee soo scoda oo ku beegan maalinta Isniinta ah 11-ka Maarso.