𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐎𝐎 𝐆𝐔𝐃𝐀 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐊𝐀 𝐃𝐎𝐎𝐃𝐈𝐒𝐓𝐀 𝐂𝐔𝐓𝐔𝐁𝐊𝐀 𝟑-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀.

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo uu weheliyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shir guddoomiyay kulanka 21-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista soo jeedimaha wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, Cutubka 3-aad qodpbadiisa 41-aad illaa 47aad.

Sanatarrada iyo Xildhibaannada ayaa markii uu kulanku furmay guda-galay doodda cutubka saddexaad ee Dastuurka KMG ah oo ka hadlaya dhulka, hantida iyo deegaanka, waxayna Mudanayaasha labada gole dood iyo aragtiyo wax ku ool ah ku biiriyeen wax ka beddelka Dastuurka gaar ahaan cutubka 3aad oo maanta dooddiisa ay guda galeen Labada Aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyada Federaalka Soomaaliy.