𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐎𝐎 𝐒𝐎𝐎 𝐆𝐄𝐁𝐀 𝐆𝐄𝐁𝐄𝐄𝐘𝐀𝐘 𝐊𝐀 𝐃𝐎𝐎𝐃𝐈𝐒𝐓𝐀 𝐂𝐔𝐓𝐔𝐁𝐊𝐀 𝟐-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀.

Guddoomiye ku xigeenka labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi {Timacadde} oo ay weheliso Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Xaaji Yaasiin ayaa shir guddoomiyay kulanka 20-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ahaa dhammaystirka ka doodista iyo dhagaysiga soo jeedinnada wax ka beddelka qodobada 31-aad illaa 40-aad ee cutubka labaad ee Datuurka KMG ah.

Sanatarrada iyo Xildhibaannada isu diiwaan geliyay ka aragti dhiibashada doodda wax-kabeddelka cutubka 2aad oo soo bilaabatay 24 Febraayo ayaa guda galay aragtidooda, iaygoo soo jeediyay faalooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ku aaddan cutub labaad ee ka hadlaya xuquuqaha aasaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka.

ka doodista cutubka labaad ee Dastuurka KMG oo ay ka qayb qaateen in ka badan 88 Mudane oo isugu jira Sanatarro iyo Xildhibaanno ayay dooddiisu qaadatay muddo afar fadhi oo wada jir ah, waxaana maalinta Isniinta ah ee soo socota la bilaabi doonaa ka doodista Cutubka Saddexaad ee Dastuurka.