BARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMALIYA OO WALI KU GUDDA JIRA KA DOODISTA CUTUBKA 2AAD EE DASTUURKA KMG AH.

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay weheliyaan ku xigeennada Labada Aqal ayaa shir guddoomiyay kulanka 19-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha kulanka maanta oo ahaa sii wadida ka doodista soojeedinnada wax-ka-beddelka Dastuurka, Cutubka 2-aad Xauquqda asaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka Soomaaliyeed, Qodobka 20-aad 31-aad.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday cutubka labaad ee dib eegista Dastuurka, ayaa dul istaagay qodobada arrimaha shaqaalaha, bii’ada, guurka, dadka baahiyaha gaarka ah qaba in ay ka helaan sinnaan iyo Ixtiraam, xuquuqda caruurta iyo in loo bixiyo magacyo wanaagsan, xadgudubka iyo qodobo kale oo dooddooda aad loogu dheeraaday.