BARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMALIYA OO WALI KU GUDDA JIRA KA DOODISTA CUTUBKA 2AAD EE DASTUURKA KMG AH.

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay weheliyaan ku xigeennada Labada Aqal ayaa shir guddoomiyay kulanka 19-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha kulanka maanta oo ahaa sii wadida ka doodista soojeedinnada wax-ka-beddelka Dastuurka, Cutubka 2-aad Xauquqda asaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka Soomaaliyeed, Qodobka 20-aad 31-aad.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday cutubka labaad ee dib eegista Dastuurka, ayaa dul istaagay qodobada arrimaha shaqaalaha, bii’ada, guurka, dadka baahiyaha gaarka ah qaba in ay ka helaan sinnaan iyo Ixtiraam, xuquuqda caruurta iyo in loo bixiyo magacyo wanaagsan, xadgudubka iyo qodobo kale oo dooddooda aad loogu dheeraaday.

Previous GUDDOOMIYE CALI SHACBAAN OO FURAY SHIRKA LATSHIGA DOWLAHA XUBNAHA KA AH DOWLADDA FS EE ARRIMAHA DASTUURKA

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.