𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐐A𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐒𝐎𝐎 𝐆𝐄𝐁𝐀𝐆𝐄𝐁𝐄𝐄𝐘𝐀𝐘 𝐒𝐀𝐅𝐀𝐑𝐊𝐎𝐎𝐃𝐈𝐈 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 𝐄𝐄 𝐀𝐘 𝐊𝐔 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐄𝐄𝐍 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐑𝐔𝐖𝐀𝐍𝐃𝐀.

 

Guddiga Haweenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga magaalada Kigali ee dalka Ruwanda, ayaa soo gebagebeeyay booqashooyinkoodii iyo kulamo khibrad wadaag oo ay la soo qaateen masuuliyiin ka tirsan xafiisyada kala duwan ee dalkaas.

Safarka Xubnaha Guddiga oo qaatay muddo lix maalin ah ayay isla wadaageen masuuliyiintii ay la kulmeen warbixinno xagga shaqada ah, iskaashiga dhinacyada khibrad wadaagga, sharci dejinta, habka ilaalinta xuquuqda Haweenka iyo sida looga kabsan karo qabyaaladda, is nacaybka iyo ka hortagidda dagaallada ku salaysan qabyaaladda.

Xubnaha Guddiga ayaa booqashadooda rasmi ah ee ay ku joogeen dalka Ruwanda, waxay ku soo gebagebeeyeen xarunta horumarinta dhaqaalaha Haweenka iyo goob horumarin iyo garab istaag loogu sameeyo Haweenka ay ragoodii ku geeriyoodeen colaadihii sababay xasuuqii ka dhacay dalka Ruwanda.