GUDDIGA HAWEENKA AQALKA SARE OO KU SUGAN DALKA RUWANDA AYAA BOOQDAY XARUNTA XASUUSTA XASUUQII KIGALI.

Guddiga Haweenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, oo weli ku jira booqashadooda dalka Ruwanda, ayaa booqday xarunta xasuusta xasuuqii Kigali oo ay ku aasan yihiin maydadka labo boqol iyo konton kun oo qof oo ay sababeen geeridooda colaadihii qabiil ee ka dhacay dalkaas.

Guddidiga oo ku jira wax ka barashada dalkaas iyo sidi ay uga soo kabteen colaadihii qabiil, ayaa sidoo kale booqday madxafka ololaha ka dhanka ah xasuuqii Ruwanda, halkaas oo lagu kaydiyay dhamman wixii dagaalo iyo xasuuq uu dalkaasi soo maray.