GUDDIGA HAWEENKA AQALKA SARE OO KULAMO KHIBRAD WADAAG AH LA QAATAY MASUULIYIIN KA TIRSAN DALKA RUWANDA

Guddiga Haweenka Aqalka Sare oo ku guda jira hawlo shaqo oo ay ku joogaan dalka Ruwanda, ayaa maanta mar kale booqasho ku kala bixiyay xafiisyada Golaha Sare ee Ruwanda, xarunta la socodka arrimaha Haweenka iyo xarun lagu daryeelo laguna raadiyo xaquuqda dadka xadgudubyada loo geystay gaar ahaan Haweenka xadgudubyada lakulmay.

Inta ay ku guda jireen booqashooyinkooda xubnaha guddiga Haweenka Aqalka Sare, waxa ay warbixinno ka dhagaystaeen masuuliyiintii ay kula kulmeen goobaha ay booqdeen.