GUDDIGA HAWEENKA AQALKA SARE OO KULAMO MIDHO-DHAL AH IYO BOOQASHO KU SAMEEYAY HAY’ADAHA DALKA RUWANDA.

Guddiga Haweenka Aqalka Sare oo howlo shaqo u jooga dalka Ruwanda, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay Wasaaradda Maaliyadda dalkaas iyo xarumaha guddiyada dhaqaalaha Qaranka iyo guddiga dib u habaynta sharciga Ruwanda.

Guddiga Haweenka oo ay hoggaaninaysay Sanatar Samsam Ibraahim Cali hab-dhowraha Aqalka Sare, ayaa u kuurgalay inta ay ku jireen booqashadooda howlaha shaqo oo ay qabtaan, waajib gudashadooda, hannaanka sharci iyo dhaqaale ee dalkooda iyo sida ay uga soo kabteen caqabadihii dalkooda ragaadiyay.

Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa ka qayb galay hadimo sharafeed ay u sameeyeen madasha horumarinta Haweenka labada Aqal ee Baarlamaanka dalkaas, iyagoo la guddoon siiyay hadiyad ka tarjumaysa martiqaadka iyo xiriirka ka dhexeeya labada Baarlamaan, taas oo ay u guddoontay Sanatar Samsam Ibraahim Cali oo guddiga hoggaaminaysay.