GUDDOONKA LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA OO GUDDIGA DASTUURKA KALA HADLAY DIYAAR GAROWGOODA KU AADDAN GUDA GALKA DOODDA DASTUURKA KMG AH.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehelisay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta xarunta Aqalka Sare kulan kula qaatay guddoonka guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ayaa xubnaha guddiga Dastuurka kala hadlay qaabka ay ugu diyaar garoobeen guda galka doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka, qaabka loo hagayo maalmaha doodda iyo jadwalaynta afarata cutub ee ugu horraysa.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde iyo Xoghayaha guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.